Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararka

Qodobadii Ugu Muhiimsanaa ee Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya (dhegayso)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane

Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo c.xakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Heshiis Nabadeed oo laga Gaaray Colaadda Buuhoodle (dhegayso)

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhageystay qaar kamid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ammaanka.

Ugu horeyn, Golaha ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mudane Cabdullaahi Sanbaloolshe oo ka hadlay howlgallo ay ciidamada amnigu ka sameeyeen Caasimadda inta lagu guda jirey bishan Ramadan, wuxuna tilmaamay in la fashiliyey lana fuliyey qorshe-yaal badan oo cadowgu doonayeen in ay ku qal-qalgeliyaan amniga Muqdisho.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: