Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyey ergooyinka ka qeyb galaya Shirweynaha Wadatashiga qaran ee hannaanka dib-u-heshiinta oo soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, kaas ay ka soo qeyb galeen dad weyne isaga kala yimid gobollada dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in shirkaan uu noqdo mid u horseeda horumar dhamaan shacabka ku nool Jamhuuriyadda Soomaaliya oo sanado badan ay haysteen dhibaatooyin kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in la joogteeyo dib-u-heshiisiinta.
DAAWO
https://youtu.be/xas1jiOIoY4
COMMENTS