Ra’iisul Wasaare Khayre oo Su’aalo Uga Jawaabey Gudiga Difaaca Barlamaanka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Su’aalo Uga Jawaabey Gudiga Difaaca Barlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xarunta Villa Hargeysa kulan gaar ah kula qaatay Gudoonka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Difaaca iyo Arimaha Gudaha Baarlamaanka.

Kulankan ka dhacay Villa Hargeysa ayaa ku saabsanaa su’aalo Ra’isul Wasaaraha laga weediinayay qorshaha dhismaha ciidanka Qaranka, oo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka kasoo horjeesteen kana keeneen mooshin.

Xildhibaanada ku jira Guddiga Difaaca ayaa weediiyay Ra’isul Wasaaraha su;aalo ku saabsan dhismaha ciicanka qaran gaar ahaan 18-kun oo lagu heshiiyay in laga soo aruuriyo maamul goboleedyada dalka ka jira.

Ra’isul Wasaaraha oo ka jawaabayay Su’aalaha la weediiyay ayaa sheegay in si khaldan loo fasiray dhisnmaha ciidanka qaran, waxa uuna sheegay in qorshahan cusub uusan saameyn doonin ciidamada qalabka sida, waxa uuna tilmaamay in la tayeenayo lana qalabeenayo ciidanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka codsaday Xukuumada Soomaaliya in Baarlamaanka hor keento faah faahino ku saabsan qorshaha dhismaha ciidanka qaran iyo sugitaanka amaanka, waxaana la filayaa in Wasiirka Gaashaandhiga hortago Baarlamaanka una faah faahiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com