ROOBABKA OO HAKAD GELIYEY WAXBARASHADII MAGAALADA GAALKACYO

ROOBABKA OO HAKAD GELIYEY WAXBARASHADII MAGAALADA GAALKACYO

Taariikh: 14 Oktoobar 2026

Roobabkii ka da’ay magaalada Gaalkacyo ayaa shalay oo ahayd 13 Oktoobar iyo maanta oo ah 14 Oktoobar 2026 hakad weyn geliyey guud ahaan waxbarashadii magaalada, kaddib markii ay biyuhu xireen waddooyinkii iyo isku socodkii xaafadaha, taas oo adkaysay in ardayda iyo macallimiintu gaaraan dugsiyadooda.

Dugsiyada dhibaatadu sida gaarka ah u saameysay, ee biyuhu gudaha u galeen kuna fariisteen, waxaa ka mid ah:

1. Dugsiga Indhoolayaasha ee Amal
2. Dugsiga Sare ee Cumar Samatar
3. Dugsiga Salaama
4. Dugsiga Ummadda
5. Dugsiga Bardacad

Xaaladdan ayaa si gaar ah u saameysay ardayda baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo durba la daalaa dhacayay caqabado dhanka helitaanka waxbarashada ah.

Waxaa loo baahan yahay gurmad degdeg ah oo dib loogu furayo isu socodka magaalada, biyahana looga saarayo dugsiyada ay fariisteen, iyo qorshe waara oo looga hortagayo in roob kasta uu hakad geliyo waxbarashada.

Waxbarashadu ma aha adeeg ay tahay inuu istaago mar kasta oo roob da’o. Waxaa lagama maarmaan ah in xal waara loo helo dhibaatadan soo noqnoqotay.

Xafiiska Guddoonka Waxbarashada Gobolka Mudug

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com