Sawirro-Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Fulinta Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Deegaanka

Waxaa maanta Garowe lagu qabtay shir beesha Caalamka loogu soo bandhigay Qodabadii shalay kasoo baxay shirweynihii labaad ee Deegaanka Puntland, waxaana soo qaban qaabiyay shirkaas Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dawlada Puntland,waxaana kasoo qaybgalay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda hay’adaha dawliga ah ee Puntland, Qaar ka mid ah gudoomiyeyaasha gobolladda iyo degmooyinka Puntland, wakiilo ka socday qaybaha kala duwan ee bulshada iyadoo dhanka kalena ay kasoo qaybgaleen wakiilo matalayey Deeq bixiyeyaasha,Hay’adaha caalamiga ah ee Puntland ka caawiya arimaha Deegaanka iyo Qaramada Midoobey.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Muna Daahir Dalmar oo shirka furitaankiisa ka hadashay ayaa sheegtay in shirkan uu yahay qayb ka mid ah shirweynihii Deegaanka Puntland loogu qareemayey waxayna sheegtay in ujeedada shirka loogu yeeray wadamada iyo hay’adaha wasaarada Deegaanka taageera ay tahay in lala wadaago qodobadii kasoo baxay shirkii 8 ilaa 9kii bishan soconayey kaas oo loogu talagalay bay tiri in loogu qareemo Deegaanka si loo fuliyo taageerada caalamiga ee loo baahan yahay.

Wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland, Wasiirka Waxbarashada, Wasiiru-dawlaha Iskaashiga Caalamiga ah iyo Wasiiru-dawlaha Caafimaadka ee Puntland oo ayana shirka u matalayey dawlada dhexe ayaa sheegay in dawlada Puntland ay meel sare ka joogto ilaalinta Deegaanku waxaana ay sheegeen in saaxiibada caalamiga ah ee Puntland ay uga mahadcelinayaan mashaariicaha dhanka badbaadada Deegaanka ah iyo taageerada kale ee joogtada ah ee ay marwalba siyaan Wasaarada Deegaanka iyo bulshada Puntland.

Sidoo kale waxay wasiiradu shirka ka sheegeen in waxbadan laga qabtay Deegaanka islamarkaasna ay dawlada Puntland qorshaynayso inay sii laba jibaarto qorshaheeda ilaalinta Deegaanka.
Intii uu socday shirku waxay wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland kusoo bandhigtay waxbqadkeedii dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, qodabadii kasoo baxay Shirweyinihii koowaad iyo kii labaad ee Deegaanka Punland, hiigsiga wasaarada gaar ahaana Istaraatijiyada shaqo ee wasaarada 2017 ilaa 2021, Dhibaatooyinka ka jira Deegaanka,Casharadii laga bartay mudadii lasoo waday mashaariicda ay wasaaradu iminka gacanta ku hayso, qorshaheeda ku aadan la qabsiga bulshada ee abaaraha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Waxayna la wadaagtay Wasaaraddu kazoo qeyb galayaasha shirkaan Mashaariicaha ay iminka gacanta ku hayaan iyo sida Shaqalaha wasaaradu ay u yihiin dad aqoon ahaan iyo waayo aragnimo ahaanba kuwo awood u leh inay qabtaan shaqooyinka culus ee wasaarada horyaala.

Masuuliyiintii ka kala socotay Beesha Caalamka iyo Hay’adaha caalamiga ah ee wasaarada Deegaanka Puntland kala shaqeeya mashaariicda gaar ahaana Care, ADDESO, WFP, UNDP, UNSOM, FOA/SWALIM ayaa dhankooda soo jeediyay khudbado ay uga hadlayeen wada shaqaynta ay wasaarada la leeyihiin, sida loogu guulaystay miro dhalinta mashaariicda ay la wadaan wasaaradda gaar ahaana  mashruuca “Deegaanku Waa Noloshaada”,.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo gabagabadii soo xiray shirkan ayaa u mahadceliyey dhamaan kasoo qaybgalayaasha shirkan isagoo si gaar ahna u sheegey in wasaaradu ay ku faraxsantahay in wakiilada hay’adaha wasaarada la shaqeeya ay qireen wada shaqaynta ay wasaarada la leeeyihiin siday ay u wanaagsantahay.
Dhanka kale Wasiirku wuxuu sheegey in Wasaarada Deegaanku ay sii laba jibaari doonto qorshaheeda dabagalka iyo Qiimaynta mashaariicaha arimaha deegaanka la xiriira ee wadanka ka socda isagoo sheegey inaysan u dulqaadan doonin in mashariicda lagu soo qaato in looga shaqaynayo Deegaanka aanan sidii loogu talagalay loo fulin.

SAWIRRO


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Sawirro-Dowladda Puntland iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Fulinta Qodobadii Ka Soo Baxay Shirkii Deegaanka”

  1. c.karim axmed

    waa shir aa u anfacaya dalka iyo dantiisa waxaana rajynaya qodobada kasoo baxay si hbn in loo fuliyo insha’alah

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com