Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula Kulmay Safiirka Britain (Masawiro)

Madaxweynaha Jubbaland oo Muqdisho kula Kulmay Safiirka Britain (Masawiro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Divid Concar.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay oo ay yeeshaan Madaxweynaha Jubbalad iyo Danjiraha cusub ee UK ayaa lagaga hadlay Xaalada Abaaraha ee Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland iyo sidii Dowlada Ingiriisku ay gacan uga gaysan lahayd gurmadyada socda.

Dhanka kalena kulanka labada mas’uul ayaa waxaa diirada lagu saaray Arrimaha ammaanka iyadoo Danjirahu Madaxweynaha Jubbaland uu ku amaanay sida ay uga go’antahay in lala Dagaalamo Shabaab.

Dhinaca Siyaasada ayay sidoo kale Masuuliyiintu ka wada hadleen sidii loo tageeri lahaa Dowladda cusub ee uu Hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) waxaana uu Safiirku mar kale Jubbaland u soo gudbiyay codsiga Dowladda Ingiriiska ee ah in ay ka soo qayb gasho Shirka Dhaqaalaha loogu yaboohayo Soomaaliya ee bilawga bisha soo socota ka furmaya Magaalada London.

SAWIRRO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com