Shil Gaari Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Cali Sabiix, Carmo

HomeWararka

Shil Gaari Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Cali Sabiix, Carmo

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Cali Sabiix oo degmada Carmo u jirta 40 KM. Shilka waxaa ku dhintay wiil

Shirka iskaashiga Qoomiyadda Oromada iyo Somaalida oo Jigjiga ka furmaya (Sawiro)
Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo Alshabaab ka xoreeyay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud
Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)

Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay deegaanka Cali Sabiix oo degmada Carmo u jirta 40 KM.

Shilka waxaa ku dhintay wiil dhowr iyo labaatan jir ah iyo ilmo yar oo da’diisa lagu qiyaasay 6 sano jir, waxaana ku dhaawacmay 8 qof. Dhaawaca waxaa hadda lagula tacaalayaa cisbitaalka degmada Carmo.

Shilkan ayaa dhacay markii ay isku dhaceen gaadiid ka kala yimid Bossaso iyo deegaanka Cali Sabiix.

Cabdiqaadir Cabdiullaahi waa Agaasimaha Cisbitaalka Degmada Carmo wuxuuna u waramay wariye Xasan Heykal.

Hoos ka dhegayso

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: