SHIR-SANNADEEDKA KHAYRAADKA MACDANTA

SHIR-SANNADEEDKA  KHAYRAADKA MACDANTA

Kampala-Uganda: Sept 30, 2026: wasiiru-dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Amb. Mohammed Ahmed Awil , ayaa ka qaybgalay Shir-sannadeedka Khayraadka Macdanta oo laba maalmood socday. Shirkan qabashadiisa waxaa iska kaashaday Rugta Tamarta iyo Macdanta iyo Wasaaradda Horumarinta Tamarta iyo Macdanta ee Dalka Uganda.

Shirkan oo ah kii 15-aad ayaa kulmiyey marti ka kala timi 50 dawladood oo isugu jira saraakiil dawladeed, hoggaamiyayaal warshadeed, Bangiyada Macdanta maalgashadayaal iyo khubaro macdaneed. Shirka ayaa looga hadlay wax soosaarka iyo maalgelinta khayraadka macdanta, iyo Shirkadaha baara Macdanta.

Wasiirka ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Uganda iyo mas’uuliyiinta Bangiyada maalgeliya iyo Hay’ada qaasatan Macdanta maalgashto iyohay’dqha kale oo ku hawllan macdanta Uganda.

Shirkani Dawladda Puntland waxa uu u ahaa fursad in laga hadlayo maalgelinta, iskaashiga iyo horumarin waarta oo loo helo khayraadka macdanta Puntland. Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha waxaa ka go’an in khayraadka macdanta Puntland ay geyso shirarka iyo suuqyada caalamiga ah si loogu helo maalgelin ballaaran oo bulshada Puntland wax ka beddesha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com