Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Iran Ganacsi Xoog Leh la Leh (warbixin)

Soomaaliya oo Kamid Noqotay Dalalka Iran Ganacsi Xoog Leh la Leh (warbixin)

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Ururka Ganacsiga u qaabilsan ee dalalka Carabta iyo Afrika dowladda Iiraan ayaa lagu sheegay in uu kordhay daqliga dowladda Iiraan ka soo gala dhoofka ay u iib geyso Soomaaliya.

Warbixin ka soo baxday Ururkaasi oo lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee dalka Iiraan ee lagu magacaabo IRNA ayaa lagu sheegay in dowladda Iiran Sanadkaan daqliga ka soo gala Alaabaha ay u dhoofiso Soomaaliya in uu kordhay 38% kiiba.

Wakaaladda ayaa sheegtay in dowladda Iiran ay Soomaaliya u soo dhoofiso Alaabo ay ka mid yihiin Shamiitada, Cabitaanada, Dawooyinka iyo Alaabaha Maacuunta. Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga Iiran ayaa sheegay in xiriirka dowladdaha Iiran iyo Soomaaliya uusan joogsan ganacsig fiicanna uu u dhexeeyo labada dal.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in aysan jirin waxyaabo dowladda Iiraan kaga yimaada dhanka Soomaaliya ama looga soo dhoofiyo. Dowladda Soomaaliya ayaa xiriirka u jartay dowladda Iiran kadib markii ay ku eedeeysay in ay Soomaaliya ka faafiso diinta Shiicadda, Waxaana dalka laga saaray dhammaan muwaadiniinta u dhashay Iiran ee ku sugnaa Soomaaliya.

Iran ayaa dhanka hormarka, warshadeynta, waxsoosaarka, waxbarashada, iyo dhanka taknoolajiyadda kaga sarraysa dhammaan wadamada carabta ee Bariga Dhexe.

Xiriirka Soomaalida iyo Iran ayaa ah mid soojireen ah, dhan wada dhaqan, dhiig, iyo waliba dhaqanka iyo Nayruuska oo la wada xuso. Dhanka luqadda, waxaa jira kalmado ay ka mid tahay “Waaq” oo Soomaali iyo Beershiyaan ah, magaalooyin badan oo Soomaaliya ahna ay wada wataan, sida Caabudwaaq iyo Ceelwaaq. Waaq waxay la macno tahay “Ilaah.”

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com