Boqortooyada Sucuudiga ayaa xirtay dhuumaheeda shidaalka qaada ee East-West Pipeline.
Xidhitaanka dhuumahaan ayaa waxaa sababay weerarada dowladda Yaman ee Ansar-Allah oo dhowaan la wareegtay gacanka baabul mandab.
Dhuumahaas xidhmay ee Sucuudiga ayaa qaadi jiray malaayiin foosto oo shidaal ah maalintii.
Qiimaha shidaalka adduunka ayaa kor udhaafay $100 dollar foostadii taas oo ka dhigan in aduunka gaar ahaan wadamada Reer Galbeedka ay wajahayaan dhibaata weyn.
Xiisadda adag ee sii xoogeysatay iyo khatarta ka taagan marinnada muhiimka ah ee Bab al-Mandab iyo Hormuz ayaa sababay kor ukaca qiimaha shidaalka.
Waxaa la filayaa in uu sare ugu sii kaco inta hadda uu yahay shidaalka maadaama ay sii xoogeysaneysa xiisada colaadeed ee dhaxeeysa iran, Yaman oo isku dhinac ah iyo Mareykanka oo wata xulufadiisa Carabta iyo YHD oo lagaga guuleystay dagaalka gacanka baabul mandab.
Daljir Media | Mohamed Koronto


COMMENTS