Suldaan Maxamed Yuusf oo kamid ah salaadinta Puntland, hadana ah qurbajoogta Puntland, kuna sugan dalka Austria, ayaa soo dhaweyeey talaabadii uu Madaxweyne Gaas qaaday ee ahayd in Barlamaanka Puntland lagu soo daro beelaha ka maqan.
Suldaanka ayaa sheegay in qurbajoog ahaan ay soo dhaweynayaan tallaabadaas, isla markaasna Madaxweyne Gaas looga fadhiyo in uu caadil noqdo.
Suldaanka ayaa xusay taarikhda Puntland iyo beelihi ka qaybqaatay dhismaheeda, wuxuuna sheegay in isaga laftirkiisu uu qayb ka ahaa isimidii dhidibada u taagay Dowladda Puntland.
Maxamed Lakiman ayaa waraystay Suldaanka oo ku sugan magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Hoos ka dhegayso
COMMENTS
waa arin fiican oo oo soon dhawaynteed leh waan taageersanahay