Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo shir muhiim ah guddoomiyeey

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo shir muhiim ah guddoomiyeey

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa guddoomiyey shirka toddobaadlaha ah ee Hoggaannada, Waaxyaha iyo Laamaha Madaxa-bannaan ee Booliska Puntland.

Shirka waxaa ka qayb galay Taliye Ku-xigeenka 2-aad, Sarreeye Guuto Cabdiqaadir Jaamac Dirir, iyo hoggaannada iyo laamaha kala duwan ee Ciidanka Booliska Puntland.

Kulanka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqeynta hoggaannada iyo laamaha Booliska, korna loo qaado heeganka, anshaxa iyo howlaha amni ee lagu sugayo nabadgelyada bulshada.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa hoggaannada faray inay si buuxda u dardargeliyaan waajibaadkooda shaqo, isla markaana ay sii xoojiyaan wada-shaqeynta bulshada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com