Taliye Cirfiid oo Booqday Ciidanka Ku Sugan Duleedka Cadaado (dhegayso)

Taliye Cirfiid oo Booqday Ciidanka Ku Sugan Duleedka Cadaado (dhegayso)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) iyo Saraakiil Katirsan qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed ayaa shalay waxay Kormeer ku tageen Xeryaha Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Duleedka magaalada Cadaado.

Sareeye Guuto Cabdullaahi Aadan Xuseen Taliyaha qeybta 21-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ayaa Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka waxa uu uga warbixiyay xaalada ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga qeybta 21-aad.

Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha Ciidamada.

DHEGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com