Taliyaha Qaybta Booliska Nugaal, Gashaanle Sare Xinjirodhuuq, oo Radio Daljir waraysi siiyey ayaa xaqiijiyey in raggaas 14 ka ahi ay yihiin Alshabaab u socday qararka iyo buuraha Bari, laakiin wuxuu ku sii afaeeftay in baaritaanku uu weli socdo.
Taliyaha ayaa sidoo kale Daljir u xaqiijiyey in 2 darawal oo reer Puntland ah iyo gaarigoodiiba ayana gacanta lagu hayo.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Puntland, Md. Cabdi Xirsi Qarjab, ayaa asna Daljir u xaqiijiyey in darawalkii iyo gaarigiiba gacanta lagu hayo.
Warbixinta waxaa inoo haya Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe.
COMMENTS
warbaahinta daljir waad kumahadsantihiin sida fiican bulshada ula wadaagtaan arimaha argigixisada