TRUMP, CARNEY, DAVOS & WORLD ECONOMIC FORUM (WEF): RW KANADA OO WARKA CADDEEYEY TRUMP-NA U SHEEGAY IN ADDUUNKU TUURAY HEERYADII MAREYKANKA

TRUMP, CARNEY, DAVOS & WORLD ECONOMIC FORUM (WEF): RW KANADA OO WARKA CADDEEYEY TRUMP-NA U SHEEGAY IN ADDUUNKU TUURAY HEERYADII MAREYKANKA

KHUDBADDII RW CANADA MARK CARNEY EE DAVOS

TRUMP, CARNEY, DAVOS & WORLD ECONOMIC FORUM (WEF): RW KANADA OO WARKA CADDEEYEY TRUMP-NA U SHEEGAY IN ADDUUNKU TUURAY HEERYADII MAREYKANKA

Ra’iisul Wasaaraha Kanada Mark Carney ayaa shirkii tunweynta adduunka ee Davos ee loo yaqaan ‘World Economic Forum (WEF)’ ka jeediyay khudbad waqtigeedii timid, ahna mid ay hore ugu dhici waayeen hoggaamiyayaasha reer Galbeedku, Mark Carney kahor. Carney ayaa Trump oo dhegaysanaya khudbadiisa u sheegay in ay soo dhammaatay amar-ku-taagleyntii Maraykanka, oo “Heshiis danbe oo Mareykan lala galana uusan noqon doonin mid shaqeeya.”

Waa markii ugu horraysay oo hoggaamiye reer Galbeed ahi ku dhiirado in uu Trump runta faraha ka saaro, una sheego in adduunku uu maanta galay xaalad ka duwan tii hore ee Mareykanku adduunka ku amar-ku-taagleyn jiray.

Carney oo ka khudbeeyey Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee Davos ayaa yiri, “Runtii hore waan u ogayn in sheekada la sheego ee ah in adduunku ku dhisanyanay nidaam caalami ah oo kaladanbeyn leh (rules based order) uu ahaa xeer uu Mareykanku dhigay oo ahaa kan dunida ugu tun weyn ayaa talinaya, oo xeerarka ganacsiga loo fulinayey si aan loo sinnayn. Waan ogayn in sharciga caalamiga ahi uu siyaabo kaladuwan u shaqeeyo, kuna xiran hadba qofka la eedeeyey ama dhibbanaha maalinkaas miiska saaran.”

Carney oo runta sii bayaamiyey ayaa sii raaciyey, “Sheekooyinkaan beenabuurka ahi waxay lahaayeen faa’iidooyin, oo gaar ahaan muruqa Maraykanku wuxuu sahlay adeegyo guud, wuxuu furay marin-biyoodyada caalamiga ah, wuxuu dejiyay nidaam maaliyadeed oo xasilloon oo caalami ah, amni wadajir ah, iyo waliba nidaam lagu xalliyo khilaafaadka caalamka. Sidaas darteed waan aqbalnay nidaamkii Mareykanka oo qoortaan suranay, daaqadahana waa suranay. Intaas kaliya ma aha e waxaan ka qaybgalnay caadooyinkiisii danbiyada badnaa, badanaana kama aynaan hadlin farqiga u dhexeeya hadaladii afka baarkiisa laga yiri iyo xaqiiqooyinka jira. Haddaba ogaada nidaamkaas waa dumay, mana aha mid dib danbe u shaqaynaya.”

Carney oo aan gabagabada khudbadiisa soo koobayno ayaa ku gabagabeeyey, ‘yeelin mayno in dib danbe na loo khasbo ama naloo ku cagajugleeyo. Haddii sharcigii lagu heshiiyey shaqayn waayey, waa in nin walbaa naftiisa ilaashadaa.”

Khudbadda RW Carney ayaa noqotay tii markii ugu horraysay fagaare weyn oo reer Galbeedku isugu yimaado lagu muujiyo heerka maanta adduunku marayo, kaas ah mid la wada arkay, lana ogaaday in Mareykanku noqday quwad liicday oo haatan wax kasta ka suurtoobaan, una baahan in adduunku meel uga soo wada jeesto kahor inta aan lagu wada guban inta Mareykanku isleeyahay ilaasho awoodaada.

Adiga maxay kula tahay, saameyn intee le’eg buu se awood liiqanka Mareykanku ku yeelan doonaa qalalaasaha siyaasadeed ee maanta ka aloosan Soomaaliya?

Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Kazino_vlOl 4 weeks ago

    Платформа предлагает широкий выбор развлечений, чтобы каждый нашел что-то по вкусу.

    Эти зеркала полностью идентичны основному сайту и сохраняют все функции.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com