Trump oo ka Digay Dagaal lagu “Hoobto” Yirina Koonfurta Kuuriya iyo Sacuudiga ha Bixiyeen Kharashka lagu Difaaco

Madaxweyne Trump oo Khamiistii waraysi gaar ah siiyey warbaahinta Reuters, wuxuu sii fogeeyey oo meel adag istaajiyey xaaladda dagaal ee ka taagan gacanka Kuuriya, asaga oo yiri dagaal lagu hoobto in lala galo Kuuriyada Waqooyi waa suurtagal, haddii aysan joojin mashruuca horumarinta hubka halista ah ee nukliyeerka iyo kan gantaalada ridada dheer.

Mar kale oo hadana su’aasha lagu adkeeyey in dagaal dhacayo iyo in kale, Trump wuxuu ku jawaabay, “haah, waa suurtgal in dagaal lagu hoobto aan ku qaadno Kuuriyada Waqooyi. Taas shaki iigama jiro oo waa hubaal!” Saas oo uu yiri, hadana Trump wuxuu intaas raacshay in uu jeclaan lahaa in xal siyaasadeed arrinka laga gaaro oo aan dagaal dhicin, maxaa yeelay haddii uu dagaal dhaco wuxuu noqon doono mid kharaar oo lagu hoobto.

Madaxweyne Trump oo looga bartay hadalo qayaxan oo saaxiibku dhibsado ayaa dhangad la dabagalay dalka uu difaacayo ee Kuuriyada Koonfureed asaga oo yiri, “Koonfurta Kuuriya waxaan gaynay gantaalada lidka gantaalada ee THAAD oo ay ku baxayso adduun gaaraya $1 bilyan oo doolar, marka waa in Kuuriyada Koonfureed ay bixiso kharashka lagu difaacayo.” Intaas ugama uu harin Kuuriyada Koonfureed oo wuxuu hadana Madaxweyne Trump si kulul uga hadlay ganacsiga u dhexeeya labada dal, asaga oo yiri ma aha mid dheelitiran ee waa mid u faa’iideeya Kuuriya oo kaliya. “Raali kama ahi arrinkaas, waana ka olaleeyey, degdeg baana wax uga qabanayaa. mar dhow war iga filo,” ayuu uga jawaabay su’aal ahayd waa maxay qorshahaaga dhanka ganacsiga ee Kuuriyada Koonfureed.

Madaxweyne Trump oo badanaa aan ku ekaan hal mawduuc oo kaliya, wuxuuna hadana carrabka ku dhuftay Sacuudi Carabiya, asaga oo yiri, “run ahaantii, Sacuudi Carabiya way naga faa’iidaysatay, maxaa yeelay in aan Sacuudiga difaacno lacagtii baa nooga dhammaatay, taasina waa khasaare lacageed oo aad u tirobadan.”

Warbaahinta Reuters uma ay suurtoobin in ay wax jawaab ka hesho saraakiisha Sacuudiga.

Sidoo kale, Koonfurta Kuuriya oo ku jirta marxalad doorasho ayaan ayaguna wax jawaab ah ka bixin arrimaha uu Madaxweyne Trump ka dhawaajiyey.

Doorashada Kuuriyada Koonfureed waa 9 May, waxaana ku loolamaya shan xisbi qaran. Loollanka waxaa hadda huggaaminaya Moon Jae-in, Xisbiga Garabka Bidix ee Dimuquraadiga, iyo Ahn Cheol-soo, Xisbiga Bulshada. Labada xisbina waxay si cad u soo bandhigeen in aan laga dul-boodin dadka Kuuriya, taladana wax laga siiyo.

Hoos ka akhri FALAAQAYNTA Daljir iyo “Gacanka Kuuriya oo Dagaal Qarka u Saaran”

Radio Daljir – Garoowe

Madaxweyne Trump iyo Maxamed bin Salman White House, Washington, U.S., March 14, 2017. REUTERS/Kevin Lamarque

Musharrixiinta loollanka Kuuriyada Koonfuree/VOA

Gacanka Kuuriya oo Dagaal Qarka u Saaran

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com