Ugaasyada Beelaha ku Dagaalamay Deegaanka Baanyaaleey oo kala Hadlay (dhegayso)

Ugaasyada Beelaha ku Dagaalamay Deegaanka Baanyaaleey oo kala Hadlay (dhegayso)

Dagaal Beeleed gaystay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay Deegaanka Baanyaaleey oo ku yaal Xuduuda Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, hayeeshee deegaan ahaan xisaabsan Gobolka Hiiraan.

Dadaalo Badan oo ay bixiyeen dhaqanka Labada beel ee Maxaas iyo Guriceel oo ay ku kala abtirsanadaan maleeshiyaadka dagaalamay waxaa lagu guuleestay in la xaliyo xiisadda lana kala qaado maleeshiyaadka dagaalamay.

Ugaasyada Beelaha ay ka soo kala jeedaan maleeshiyaadkaan ayaa hadda warbaahinta isu marinaya eedeymo ku saabsan hurinta dagaalkii dhacay.

Cumar Lakiman oo ku sugan istudiyaha Daljir ee Caabudwaaq ayaa Warbixintaan inooga Diyaariyay.

Hoos ka dhegayso

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com