Urur Goboleedka IGAD oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Soomaaliya

Hogaanka sare ee urur goboleedka IGAD ayaa Maxamed Cali Guyo u magacowday Wakiilkeeda cusub ee Soomaaliya, kadib shir ay ururkaasi ku yeesheen xarunrta Itoobiya ee Adis Ababa.

Wakiilka cusub Maxamed Cali Guyo ayaa lagula dardaarmay in uu noqday Wakiil wanaagsan oo sare u qaadi kara xiriirka IGAD iyo Soomaaliya, iyadoo IGAD aysan lahayn tan iyo sanadkii hore Wakiil u qaabilsan Soomaaliya.

Magacaabista Wakiilka cusub ayaa timid, kadib markii Wakiilkii hore Maxamed Cabdi Afay ay Qaramada Midowbay sanad ka hor u magacowday wakiilkeeda arimaha Qaxootiga ee Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Urur Goboleedka IGAD oo Safiir Cusub u soo Magacaabay Soomaaliya”

  1. Mash Allah Anoo ku hadlaya Macaga #Kacaanka 8th February Waan soo dhaweynayaa #Zafiirka_Cusub

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com