W/Q: AMB AXMED CIISE CAWAD; Qiimeynta Khudbaddii Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni ka jeediyey kalfadhigii 59aa ee Golaha Wakiillada Puntland, maanta oo ah 25 October 2026.
Madaxweyne Deni wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inuu ka warbixinayo xaaladda ay Puntland ku sugan tahay iyo guud ahaan tan Soomaaliya. Sidaa darteed waxaa la filayey warbixin ku dhisan xog-ururin lagu saleeyay tirakoob cilmiyeysan ee xaaladda dhaqaale, bulsho, siyaasad iyo amni ee Puntland.
Filashadaas waxay ahayd mid lagu hingoobay. Khudbadduna wey ka marnayd xog la isku hallayn karo. Si aan taas uhubinno aan isla fiiriinno wuxuu Madaxweynuhu inoo sheegay iyo wuxuusan inoo sheegin.
Wuxuu inoo sheegay waxaa ka mid ahaa, tusaale ahaan:
1. In Puntland horumar ballaaran gaartay.
2. In ciidan badan la qoray lana tababaray.
3. In ciidammo HSM soo abaabulay meesha laga saaray.
4. In hub sidasho la mamnuucay oo amni ballaaran jiro.
5. In burcad-badeed lasoo afjaray.
6. In jidad badan la dhisay sida kuwa Garoowe. Qaar kalena lawado dhismahooda sida kan isku xira Gaalkacyo iyo Xaraf, iyo kan Ceel Daahir.
7. In shaqaalaha mushaarkooda la bixiyo.
8. In colaad beelaha qaarkood ah la xalliyey.
9. Inuu booqday Mudug, Bari iyo Raas Casayr tabashooyinkoodiina wax laga qabtay, qaar kalena la dersayo.
10. Inuusan samayn doonin wax mustaqbilka dowladnimada Puntland ku saabsan isagoon dadka kala tashan.
11. In HSM dowladnimadii Soomaaliya khatar galiyey.
12. In dadka Soomaaliyeed katashadaan khatar HSM Soomaaliya galiyey.
Waxa uusan inoo sheegin:
1. In Puntland marayso meeshii ugu xumayd dhaqaale ahaan intii Puntland jirtay (sida ay ii sheegeen ganacsato reer Puntland).
2.Tirada ciidanka la qoray iyo kuwa la tababaray.
3. In ciiddammada uu sheegayo oo qaar la laayey, qaarna la heshiiyey ay ahaayeen ciiddammo jiritaankoodu ay ka horreeyeen maamulkiisa iyo kan HSM labada. HSM ka horna dagaal ku dhexmaray Boosaaso iyo Garoowe. Sababta hadda loo weerarayna ay tahay mid siyaasadeed ee aysan ahayn mid amni.
4. In go’aannada mamnuucidda hubku ay tahay cabburin siyaasadeed ee aysan ahayn dhowridda sharciga iyo amnig. Dad badan oo reer Puntland ahna darteed ugu dhinteen Boosaaso, Qardho iyo Gaalkacyo.
5. In dagaalka burcad-badeedka lagu dilay dad aan burcad-badeed ahayn.
6. In jidadka Garoowe lagu dhisay lacag Bangiga Adduunka (World Bank) oo soo socotay 10 sano iyo $1 oo laga qaado dadka reer Garoowe. Jidka Ceel-Daahir waxaa lasoo bilaabaywaqtigii maamulkii Cabdiweli Gaas, lacagta lagu dhisayana waxaa lagaa qaadaa gaadiidka shacabka Puntland.
7. Inaan ciidanka iyo shaqaalaha rayidka ah aysan si joogta ah uhelin mushaarkooda.
8. In kalsooni darrada udhaxaysa beelaha Puntland ay marayso meeshii ugu xumayd si colaaddii maalin dhawayd ka dhacday Qardho ay muujinayso.
9. Socdaalladiisii Imaaraadka iyo Kenya natiijadoodii.
10. In Puntland go’doon uga jirto Soomaaliya inteeda kale iyo inuu isagu gacan weyn ku lahaa doorashada HSM.
Ugu dambayntii, khudbadda Madaxweyne Deni waxaa ku jira saddex qodob oo muhiim ah, rajo fiicanna leh haddii uu hirgalintooda si dhab uga shaqeeyo. Saddexda qodob waa:
10. In maamulkiisu dadka reer Puntland kala tashanayo arrimaha muhiimka u ah mustaqbalka Puntland.
11. In HSM khatar ku yahay dowladnimda Soomaaliya. Ka hortagiisana si dhab ah la isaga kaashado.
12. In dadka Soomaaliyeed isugu yimaadaan wadatashi ku saabsan sidii looga hortagi lahaa khatar HSM ku yahay dowladnimada Soomaaliya – haddii loo baahdana Puntland martigaliso.
Qalinkii; Amb Axmed Ciise Cawad


COMMENTS