WAA FARRIIN KA TIMID XILDHIBAAN CABDILLAAHI XAASHI ABIIB OO UU U DIRAYO UMMADDA SOOMAALIYEED

WAA FARRIIN KA TIMID XILDHIBAAN CABDILLAAHI XAASHI ABIIB OO UU U DIRAYO UMMADDA SOOMAALIYEED

Xildhibaan Abiib ayaa farriintiisa ku bilaabaya, “Xildhibaanada Soomaaliyeed ku kaalmee sidii ay ula xisaabtami lahaayeen Villa Somalia iyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybqaado dib-u-curashada Xildhibaano si dhab ah kuu matala oo dalkeena Soomaaliya u matala.”

Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib ayaa farriintiisa ku sii daraya, “Ogaada Soomaaliyeey maanta waxaan ku jiraa halgan, waxaana dagaal kulul kula jiraa musuqmaasuqa iyo qaraaba-kiilka baahsan ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku hayo dalkeena. Dawlad wanaaggu waa asaaska bulsho waana gunta caddaaladda iyo bulsho barwaaqo ah. Si taas loo helana waxaa lama huraan ah in Xildhibaanada Soomaaliyeed ay helaan xirfadaha iyo aqoonta lagamamaarmaanka u ah adeeg hufan. Laakiin taas kaligay awood uma lihi oo waa lagamamaarmaan in aan gacan ka helo bulshada Soomaaliyeed.

Sidaa darteed, waxaan idin ka codsanayaa inaad gacan ka geysataan tababarada aan u qorsheeyey xildhibaanada Soomaaliyeed si loo helo adeeg bulsho oo hufan oo ay kamidyihiin:

  1. Sharcidejin hufan oo wadata fulin
  2. Ilaalinta shuruucda dalka oo loo wada simanyahay
  3. Daahfurnaan iyo xisaabtan dhab ah si loo helo kalsooni shacab iyo adeeg dawlo
  4. Maamul Wanaag si loo hiigsado hormar
  5. In la helo adeeg dawlo sida daryeel caafimaad, waxbarasho iyo kaabayaal dhaqaale
  6. Tiirka Caddaaladda oo la xoojiyo”

Xildhibaan Cabdillaahi Xaashi Abiib oo sii wata baaqa ayaa ka codsanaya bulshada Soomaaliyeed in ay “ka qaybqaadaataan sanduuqa dhaqaale ururinta oo taageeraan isbabeddel-doonka Soomaaliya ka hanaqaaday, si ay horseed ugu noqdaan helitaanka dowlad si hufan oo dhab ah u matasha dadkeena iyo dalkeena.”

Xildhibaan Abiib ayaa baaqiisa ku soo gunaanaday, “Maanta aan u midowno qaddiyaddan sharafta leh oo dalkeena aan u horseedno mustaqbal ifaya. Tabarrucaaga iyo taageeradaada maanta mid weyn iyo mid yarba waxa uu Soomaaliya ku hagayaa dhabbaha nabadda, caddaaladda iyo waliba dhabbe barwaaqo oo Soomaali ay u wada dhantahay. Ku mahadsanid taageeradiina hagar la’aanta ah.”

Haddaba arag akoomada hoose dal iyo dibad oo ka qaybqaado tabarucaadka habka onlaynka, kan e-Dahabka iyo waliba kan EVC-iga:
Goobaha deeq-bixinta ee Soomaaliya:
e-Dahab: *113*122344$#
Hormuud Merchant: *789*696171*$#
Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com