Wacaal Daray ah: “12 shacab una Badan Dumar iyo Carruur baa Ceel-lahelay Caawa lagu Xasuuqay”

HomeWararka

Wacaal Daray ah: “12 shacab una Badan Dumar iyo Carruur baa Ceel-lahelay Caawa lagu Xasuuqay”

Wararka aan saaka ka helayno koonfurta deegaanka ceel-lahelay ayaa sheegaya in xalay ku dhawaad 8:30 fiidnimo deegaanka lagu dilay 12 qof oo shacab ah

Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso|daawo)
R’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay Xoghayaha guud ee QM

Wararka aan saaka ka helayno koonfurta deegaanka ceel-lahelay ayaa sheegaya in xalay ku dhawaad 8:30 fiidnimo deegaanka lagu dilay 12 qof oo shacab ah oo hal beel ka soo wada jeeda, una badan dumar iyo carruur.

Qof deegaanka ku sugan oo Daljir Gaalkacyo u waramay wuxuu yiri, “dadkan la laayey oo u badan dumar iyo caruur lama garanayo sababta loo laayey!” Wuxuu kale oo uu ku daray in dilka ay geysteen malayshiyo dhanka Galmudug ka soo taloowday.

Dhacdadaan caawa ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Gaalkacyo shir uu uga socdo maamulada Puntland iyo Galmudug.

Daljir kala soco warar dheeraad ah oo la xiriira dhacdada Ceel-lahelay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: