Wacaal Daray ah: Dagaal ka Socda Galbeedka Gaalkacyo

Wacaal Daray ah: Dagaal ka Socda Galbeedka Gaalkacyo

Dagaal la isku adeegsaday hubka culus iyo kan fudud ayaa saacad ka badan ka soconayey galbeedka magaalada Gaalkacyo, sida uu Daljir u sheegay sarkaal ka tirsan Ciidanka Daraawiishta ee gobolka Mudug.

Weli lama hubo khasaaraha dagaalka maadaama uu ku soo aaday xilligii afurka, waxaana weli la maqlayaa dhawaaqa xabadda iyo daryanka madaafiicda.

Sarkaal u hadlay Ciidamada Daraawiishta ayaa sheegay in dagaalku uu bilowday kaddib markii ciidan ka tirsan mamaulka Galmudug ay soo weerareen fariisin Ciidamada Daraawiishta ay ku leeyihiin galbeedka xaafada Garsoor.

Degdeg nooga filo warar dheeraad ah iyo waraysiyo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abdiweli Said Matan 7 years ago

    Ilaahay haqaboojiyo xabada galkacio kasocoto ma ahan mid dan u ah labada dhinacba

    Mahadsanidiin Radio Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com