Wacaal DARAY ah: Madaxweyne Gaas oo ku Casuman Caleemosaarka Xaaf ee Cadaado

HomeWararka

Wacaal DARAY ah: Madaxweyne Gaas oo ku Casuman Caleemosaarka Xaaf ee Cadaado

Garoowe - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa berri subax oo Isniin ah in ay u duulaan magaa

Ciidamo la kala dhex-dhigay maleeshiyaadkii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud
Ruushka oo ka digaya khatarta dagaal ballaaran oo aan horay loo arag
Khudbadda Musharax Madaxweyne Asad Cismaan Diyaano

Garoowe – Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa berri subax oo Isniin ah in ay u duulaan magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug, halkaasi oo berri uu ka dhici doonto caleemasaarka madaxweynaha dooran ee maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Safarka Madaxweyne Gaas iyo waftigiisa ee Cadaado ayaa sidoo kale la filayaa in ay ka qaybgali doonaan madax dawladda federaalka ka socda iyo madaxweynayaal ka mid ah dawladaha xubnaha ka ah dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Safarka madaxweyne Gaas iyo ka qaybgalkiisa caleemasaarka Cadaado waxaa Radio Daljir u xaqiijiyey saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Haddii ay dhabawdo tagitaanka Cadaado ee madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxay noqonaysaa markii ugu horraysay oo madaxweyne Puntland ah tago Cadaado oo xarun u ah Galmudug, waxayna u muuqanaysaa bog cusub oo u furmay xiriirka labada dhinaca oo horay u kala durugsanaa.

Cadaado, waxaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey ku sii qulqulayey wafuud kala duwan oo doonaya in ay ka qaybgalaan caleemasaarka madaxweynaha cusub ee KMG ah ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, waxaana waftigii ugu dambeeyey ee Cadaado tagay ay ahaayeen wafti ka socday dawladda federaalka oo uu hoggaaminayey wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: