Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug oo Burburay iyo Madaafiic Gaalkacyo lagu Garaacay

Wadahadaladii Puntland iyo Galmudug oo Burburay iyo Madaafiic Gaalkacyo lagu Garaacay

Wadahadaladii lagu ballansanaa in la isugu tago dhanka Galmudug ayaa baaqday maanta lamana oga sababta rasmiga ah ee keentay baaqashadooda, waxaase la rumaysan yahay in ay la xiriirto falkii xalay lagu laayey dad shacab ah ee ka dhacay deegaanka Balibusle koonfurtiisa, aagga Ceel Lalehay.

Dhinacyada ku lugta lahaa wadahadlka ayaan ilaa iyo hada wax war ah uusan ka soo bixin oo ku saabsan sababta keentay baaqashada shirka oo awal horey loo qabtay 2 kulan oo kamid ah, hadana burburkiisa la sadaaliyey.

Wararkii ugu danbeeyey ee weerarkaas lala beegsaday maatada Ceel Lahelay ayaa sheegaya in dhimashadu tahay 5 qof oo hal qoys ka soo wada jeeda.

Mar dhow naga filo waraysiyo iyo warbixino dadka deegaanka iyo waliba ehelada dadkii la laayey.

Dhanka kale, waxaa Caawa fiidkii Galbeedka Magaalada Gaalkacyo madaafiic lala beegsaday aagga Maxjarka. Wax khasaare ah lama sheegin illaa iyo hadda.

Dad ka dhawaa aagga goobta madaafiicdu ku soo dhacday ayaa Daljir u sheegay in aysan jirin wax khasaara ah oo ay Madaafiicdu geysatay waxayna intaas ku dareen in dhanka Puntland ay sidoo kale rasaas ku jawaabtay.

Ma jidho cid Masuuliyiinta labada dhinac ka tirsan oo weli ka hadashay dhacdada xasuuqa shacabka.

Sannadkii hore ayaa Dowladda Puntland waxay dhistay maxjarka Galbeedka Magaalada Gaalkacyo. Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed, ayaa ku goodiyey in aan marna la dhisi doonin Maxjarka, deedna iclaamiyey dagaal ka dhan ah. Illaa iyo hadda masuul Galmudug iyo waliba madaxweynaha cusub ee Galmudug kama aysan hadlin weerarada lala beegsado maxjarka Gaalkacyo.

Maxjarka Gaalkacyo ayaa hadda ah mid dhammaystiran laakiin aan weli la hawl gelin, lana iclaamin goorta uu hawl bilaabi doono.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 6
  • Tan kale radio dal jir dhex dhexaad kama aha xlda gobolka mudug mana sheegto wax yeelada soongaarta dadka galmudug taasna waxay ka hor imanaysaa sharciga saxaafada Xorriyo Abdikadir Sheikh Ali

  • Allha u nsxariisto masakiinta

  • Samira Habib Farah 2 weeks

    Galmudug nabad iyo nolol miidna maa rabto

  • Samira 2 weeks

    Galmudug nabad iyo nolol miidna maa rabto

    • maryuuma 2 weeks

      wagar wagar horey somali utiri nin ay meelu ka cadahay meelu ka madow hada ma nabad ba la rabaa 30sano bay ku dhowdahay malinkasta nabad lala qadanayey oo diyar puntland ugu ahayd ayaguna ay marki nabad la dhaho dagal iyi dil iyo werar ugu jawabayen alle xaqa ha garansiiyo dadkaan mel ay usocdaan lama ogeee