WADDAMADA CARBEED IYO SHIRKII DOOXA?

WADDAMADA CARBEED IYO SHIRKII DOOXA?

CARABTU, YEMEN MA AHA E, INTA KALE MA XOR BAA?

Rashad Al-Alimi, Madaxweynaha maqaarsaarka ee Yemen, hoygiisuna yahay Riyadh, ayna Madaxweyne u aqoonsanyihiin Sacuudiga iyo Imaaradka, iyo badi waddamada Carabtu, muxuu ku yiri khudbadiisii shirkii Dooxa ee lagu canbaareynayey Israa’iil?

Waxyaalaha la yaabka leh ee ka dhacay shirkii Dooxa waxaa kamid ah khudbaddii Madaxweynaha Yemen ee fadhigiisu yahay Sucuudi Carabiya, asaga oo meeshii Israa’iil laga cambaareynayey cambaareeyey weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah Israa’iil iyo maraakiibta Israa’iil ee loo diiday maritaanka Badda Cas. Xuutiyiinta oo hadda ka taliya badi Yemen waa dalka kaliya ee Carabta ah ee dagaal toos ah kula jira Israa’iil.
Haddaba su’aalaha la isweydiinayey shirkii Dooxa kabacadi waxa kamid ahaa, “Horta Carabtu, siiba Sucuudiga, Imaaraadka, Qadar iyo Urdun, in ay Israa’iil iska difaacaan warkeedu haba danbeeyo e, ma yihiin dalal xor ah?”
Marka kaliya ee inta waddamada Carabtu isku yimaadeen ayna isku raaceen in ay dagaal qaadaan wuxuu ahaa sannadkii 2015 iyo shirkii Masar lagu qabtay, go’aanna lagu gaaray in lagu duulo Yemen, ahna dalka dhaqaale ahaan ugu faqiirsan Carabta. Dagaalkaas bilowday sannadkii 2015 ee lagu weeraray Yemen, ayna hormuud u ahaayeen Sucuudiga iyo Imaaraadka, waxaa ka danbeeyey Mareykanka iyo Israa’iil, wuxuuna hadda socdaa sannadkii tobnaad, welina waxay Carabtu isku raacsantahay in dagaalkaas ka dhanka ah Yemen la sii wado.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com