Ahlusuna iyo Galmudug oo Ku Dagaalamay Galgaduud.

Wararka ka imaanaya bartamaha Soomaaliya gaar ahaan degaanka Xaraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo waqti badan socday.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu u dhexeeyey ciidanka Maamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusuna waljameeca.

Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ku geeryootay 7 Qof, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen dadka degaanka, inkastoo dagaalka uu ahaa mid xoogan oo labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka cul culus ayaa ilaa hadda waxaanan si rasmi ah loo xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Ahlusuna iyo Galmudug oo Ku Dagaalamay Galgaduud.”

  1. mohamed sulub

    Aniga waxan rumeysnahay in sidan aaysan dan ugu jirin dadka Daroodka ah ee ku dhaqan gobalka mudug in malin kasta ladilo dadkoda wax tarka ah misana lala deganaydo oo nabad aan jirin laga wada hadlo oo marar badan,dadkan darodka ah waxad moda in uu ka dhamaday dadkii talin jiray waxa so haray aay yihin dad aqoon yar oo aan talo fican ku talabsan karin,dad markasta dadkoda wax garadka ah la ugatsanayo oo aan go’aan cad qadan karin waxad arkeysa in adka hader gobalkan mudug ku nool in laga dhameyey dadkoda wax tarka ah,waxay tasi kutuseysa Hawiye & Allshabab oo iskashi ah in dadka laga curyamiyo dadka masuulka ah in aay umelmartay.

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com