Wararkii ugu Dambeeyey ee Galgala iyo Ciidanka oo Howlgallo Bilaabay

Wararkii ugu Dambeeyey ee Galgala iyo Ciidanka oo Howlgallo Bilaabay

Ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa saaka lagu soo waramayaa inay dhaqdhaqaaqyo xoogan ka wadaan deegaamo hoosyimaada buuraleeyda Galgala iyo tuulada Af-urur oo maalin kahor Alshabaab ku weerareen ciidanka dowladda.

Howlgalladaani oo ah kuwa ciidanku ku baadi goobayaan Alshabaab ayaa waxaa horkacaya saraakiisha ugu saraysa ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo xubno xukuumadda katirsan sida ay sheegayaan ilo wareedyo deegaanka Af-urur ku sugan.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland General Siciid Maxamed Xirsi iyo xubno wasiiro ah oo qiimanaya xaaladda deegaanka baaritaanka ku samaynaya weerarkii Af-urur ayaa ku sugan deegaankaasi iyagoona la kulmay qaybaha bulshada iyo goob joogayaasha weerarkii dhacay maalin kahor.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa buuraha Galgala kadhacay duqayn ciidanka Puntland ku fuliyeen godad la rumaysan yahay inay ku sugan yihiin qaar kamid ah malayshiyaadkii dhowaan weeraray saldhigga Af-urur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com