Waraysi Guddoomiyaha Jaaliyadda Jubaland ee Waqooyiga Ameerika

Waraysi Guddoomiyaha Jaaliyadda Jubaland ee Waqooyiga Ameerika

Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose waxaa ka socda horumar baaxad leh. Madaxweynaha Jubaland Axmed Islaan Axmed Madoobe ayaa mudadii afarta sano ahayd ee uu xilka hayay waxaa isbaddal wayn laga dareemay dhanka amniga, kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, iyo waliba bilicda magaalada Kismaayo.

Dhawaan deegaanada Jubaland gaar ahaan magaalada Kismaayo waxaa booqasho ku tagay wafdi balaaran oo uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee Waqooyiga Ameerika waxayna halkaasi ku soo arkeen horumarka baaxadda leh ee ka socda .

Jaaliyaddu waxa ay maamulka ku wareejisay lacago ay ugu talagaleen gurmadka dadka ay abaartu saamaysay. Jaaliyada ayaa xustay in dhismaha maamulka Jubaland iyo horumarka ay gaartay ay qaybwayn ku lahayd dowlada Puntland.

Hadaba Cabdiwali Axmed Warsame waa Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland ee North America, waxaana waraystay wariye Xasan Haykal oo ku sugan Daljir Bossaso.

Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com