Ururka warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta oo Arbaco ah ku qabtay magaalada Galkacyo shir ay ka qaybgaleen xildhibaanno golaha deegaanka Galkacyo ah, isku-duwayaal wasaaradeed, madaxda warbaahinta gobolka, warfidiyeenno madaxbannaan iyo wakiillo bulshada rayidka ah ee magaalada Galkacyo ah, shirkaasi oo dulucdiisu ahayd khataraha isbaddellada cimilo ku lug leh, iyo saamaynaha ka dhashay daadadkii ka soo rogmaday roobabka dayrta ee curtay bishaan October ee 2026.
Shirka ayaa si xooggan uga aragti bixiyey saamaynta taban iyo midda togan ee roobabka da’ay ku yeesheen magaaalada Galkacyo, iyadoo haatan biyuhu ay ceegaagaan waddooyinka magaalada, suuqayada, guryaha deegaanka ah, goobo ganacsi iyo iskuullo waxbarasho-ba, waxaana horay u jiray iskuullo u xirmay biyaha dartood, muddo sannado badan ahna aan waxba lagu baran.
Biyaha jiifa magaalada Galkacyo ayaa xilli horaba isbaddelay midab ahaan iyo ur ahaanba, waxaana jira khatar caafimaad oo laga digayo, kana dhalan katra biyaha wasakhaysan ee waddooyinka, iyadoo bahda caafimaadkuna sheegeen jiritaanka kiisas shuban oo magaalada gudaheeda ah iyo meelo ka baxsan ah, uuna jiro walwal intaasi ka weyn oo shubanku isku baddeli karo haddaan degdeg loola tacaalin waxyaaba sababay,
Dawladda hoose ee magaalada Galkacyo ayaa samaysay dadaallo faro-fooddood ah marka laga hadlayo baaxadda biyaha iyo tallaabooyinka la qaaday, hase ahaatee kannaallo biyood oo ay jeexday dawladda hoose waxay hoos u dhigeen meelaha qaar biyihii jiifay, mase ahaan qorshe durugsan oo waari-kara.
Mudanayaal golaha deegaanka degmada Galkacyo ah oo shirka uga warramay dadaallada socda iyo doorka laga geystay saaridda biyaha, waxay xogtooda raaciyeen in aan illaa hadda la qaadin tallaabooyin looga hortagayo xanuunnada ka dhalan kara biyaha wasakhaysan ee yaalla waddooyinka iyo suuqyada, wasaaradda caafimaadka Puntland na laga waayey Kolloriin lagu shubo biyaha waddooyinka, si looga hortago bagteeriyada ka dhalan karta.
Waxaa kale oo illaa hadda aan la samayn buufin cayayaan, siiba kaneecada, maadama biyaha jidadka yaalla ay ka dhalatay kaneeco xad-dhaaf ah, taasoo laftigeedu keeni karta cudurka dilaaga ah ee duumada.
Sida ka muuqata xogtaha xildhibaannada golaha deegaanka iyo dadka kale ee u dhaqdhaqaaqa arrimaha Galkacyo ee xagga hormarinta, waa mid muujinaysa xukuumadda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmaduba in aysan wax diyaar garow ah oo muuqda ka samayn roobabkii da’ayey iyo daadkii ka dhalan karay, siiba magalada magaalada Galkacyo oo ah magaalo u nugul biyaha ka dhasha roobabka, maadaama xilligaan oo biyuhu jiifaan waddooyinka dhawr asbuuc la la’yahay wixii igu yaraa oo ahaa wax looga hortago bagteeriyada ka dhallanaysa biyaha wasakhaysan ee waddooyinka yaalla.
Midda labaad ee aad loo xoogeeyey, ka qaybgalayaasha shirkuna ay ku celceliyeen waxaa weeye in aan la samayn wacyigelin caafimaad iyo mid bani’aadanimo toono, marka la eego roobka ka hor iyo kadib-ba, korna aan loo qaadin wacyiga bulshada ee ka gaashaamashada khatarta biyaha iyo cudurrada ay samababi karaan, maadaama biyuhu soo xambaarteen wasakhdii bullaacada, musqulaha, iyo middii bannaanka taallayba, waana tallaabo laga fili karay dhanka dawladda haddii ay ahaan lahayd wasaaradda caafimaadka, iyo haddii ay ahaan lahayd maamullada heer gobol iyo degmo.
Galkacyo waa magaalada labaad ee ugu weyn marka laga hadlayo Puntland, sidoo kalana waa magaalada labaad sida la tilmaamo dhanka dhaqaalaha iyo wax-soosaarka maaliyeedba, guud ahaan Soomaaliyana magaalada saddexaad iyo afraadba waa la galiyaa, waxaana dad badani qabaan, shirkana laga muujiyey, loo qaateen in aysan ahayn magaalada muhiimaddaasi leh in laga waayo adeegyadii caafimaad ee maanta oo kale muhiimadda gaarka ah lahaa.
Daljir Media.


COMMENTS