Wasiir Yariisow oo Xafiiska ku Qaabilay Safiir Kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiir Yariisow oo Xafiiska ku Qaabilay Safiir Kuxigeenka Turkiga ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali Kan Aksooy, iyaga oo ka wada hadlay mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Turkiga ka fulisay dalka iyo kuwa iminka ay qorsheynayaan inay fuliyaan, waxaana kulankaasi uu goob joog ka ahaa siihaya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalla.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku soo qaaday sida labada dal ay isaga kaashan karaan horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, wax ka qabashada Abaaraha ka taagan Soomaaliya iyo tayeynta Waaxda Warbaahinta Qaranka.

Safiir ku-xigeenka safaarada Turkiga ee Soomaaliya Cali Kan Aksooy oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu ku yimid Wasaaradda Warfaafinta iyo la kulanka Mas’uuliyiinta Wasaaradda, isagoo intaa ku daray in dhammaadka bisha June ay tabbabar u soo xiri doonaan dufcaddii ugu horeysay oo hal bataliyan ah oo ay Soomaaliya u tababare.

Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha ee Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Turkiga doorka  doorkooda ku aadan horumarinta Soomaaliya, isagoo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii loo balan qaaday.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah Dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, iyagoo oo gacan ka geystay ka qeyb qaadashada gurmad Abaaraha iyo horumarinta dhinacyo ay ka mid yihiin kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u dhiska dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 2
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com