WASIIRKA BIYAHA ITOOBIYA OO SHEEGAY IN MASAR AY BIYO-XIDHEENKA ASWAN SI GARDARRO AH U FULISAY

WASIIRKA BIYAHA ITOOBIYA OO SHEEGAY IN MASAR AY BIYO-XIDHEENKA ASWAN SI GARDARRO AH U FULISAY

Wasiirka Biyaha & Tamarta ee dalka Itoobiya, Dr. Habtamu Itefa, ayaa sheegay in biyo-xidheenka Aswan ee Masar ka dhistay Webiga Nile uu yahay mashruuc si masuuliyad-darro ah loo fuliyey ayadoo aan la helin oggolaansho iyo wadatashi ay la yeeshaan dalalka kale ee ku jira Webiga Nile, isla markaana uu yahay raad burbur ah.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in Masar ay biyo-xidheenka dhistay ayadoo heshiis buuxa aanay la galin Itoobiya oo ah isha ugu weyn ee biyaha Nile, taasina ay muddo dheer waxyeelo u gaysanaysay in dalalka kale ay helaan fursad caddaalad ah oo ay uga faa’iidaysantaan horumarinta khayraadka biyaha.

Waxa uu sheegay in Masar ay biyo-xidheenka ka dhistay iyadoo aanay haysan oggolaansho iyo heshiis buuxa oo ay la gashay Itoobiya, oo ah isha ugu weyn ee biyaha Nile, taasina ay muddo dheer waxyeello u geysanaysay in dalalka kale ay helaan fursad caddaalad ah oo ay uga faa’iidaystaan horumarinta khayraadka biyaha.

> Daljir Media | Wariye Jamarti

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com