Wasiiru Dowlaha Cusub ee Amniga Puntland oo Xilka Loo Dhaarieyey (Sawirro)

Wasiiru Dowlaha Cusub ee Amniga Puntland oo Xilka Loo Dhaarieyey (Sawirro)

Waxaa maanta oo ay taarikhdu tahay 17 June 2017 loo dhaariyey xilka Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland Cadirashiid Cali Geelle oo dhowaan uu Madaxweynaha Dawladda Puntland u magcaabay xilkaasi.

Munaasimada Dhaarinta Wasiiru Dawlaha oo ka dhacday qasriga Madaxtooyada Garoowe ayaa waxaa goob joog  ka ahaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,  xibin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Garoowe.

Dhaarinta Wasiiru Dowlaha kadib ayaa waxaa Madaxwynaha Dawladda Puntland uu Xasuusiyey Wasiiru Dawlaha in xilkaasi loogu gartay aqoon tiisa iyo khibaradiisa waaya aragnimo, loona baahan yahay in uu si daacad ah uu ugu adeego dalkiisa iyo dadkiiisa,

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ku booriyey inuu fiira gaara u lahaado kala socodsiinta arrimaha shaqo ee  xafiiskiisa, kaasi oo dalka wax badan katari kara marka la dardar geliyo.

Ugu Danbayn madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay Wasiiru Dowlaha Wasaadda Amniga Puntland  in uu had iyo jeer maankiisa ku hayo in Puntland heegan ku tahay ka sifaynta dhulkeeda cadawga nabad diid ka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulkeeda, isla markaana uu xafiis kiisu markasta heegan ugu jiro arrimaha iska caabinta cadawga tamarta yar ee majara habaabsan.

SAWIRRO

Faallee ama ka falceli mowduuca kore oo ku guulayso $1 Golis prepaid ah.

Qaybta hoose ee faallooyinka iyo falceliska ku qor magacaaga iyo moobilkaaga Golis, ama email wata magacaaga oo buuxa iyo moobilkaaga noogu soo hagaaji: [email protected]

FAALLOOYIN

Website 0