Maraykanku dawlad ma afgambiyo (Regime Change) hadduu afgambiyana waa mid uu soo qorsheeyey machadka The Brookings Institution ama The RAND Institute. Weerarka lala beegtay Iran waa qorshe afgambi oo laga soo shaqeeyey..
Mar kale, Mareykanku wuxuu dib ugu soo laabtay hawlihiisii ‘Xukun Beddelka (Regime Change)’, markana waa Iran, waxaana si faahfaahsan habka loogu sharraxay falanqayntii Machadka Brookings ee 2009. Xukun Beddel ma dhaco iyadoon Brookings ama RAND Institute aysan cutub cutub u faahfaahin sida hawlgalka loo fulinayo. Nasiib darro, dad badani lama socdaan hawlaha labada machad, hadday la socdaana ma akhriyaan.
Hadda oo Trump sida la saadaaliyey uu rabo “Xukun Beddel” Iran, aan idin la wadaagno qaar hawlaha muhiimka ah ee la xusay:
> Qorshaha Iran wuxuu jiray tan iyo sannadkii 2009, waxaana jira cutubyo lagu faahfaahinayo sida dagaalka loo bilaabayo, kadibna loo kordhinayo si loo gaaro natiijada loo socdo
> Waxaa hadda lagu jiraa Cutubka 4aad, Duqeymaha Cirka
> Cutubka 5aad wuu yara soo hormaray wuxuuna la magacbaxay, ‘U daa Bibi: Ha loo oggolaado ama ha lagu dhiirrigeliyo weerar milatari oo Israa’iil qaado’
Haddaba Iran diyaar ma u tahay kahortagga hawgalkan la qorsheynayey illaa 2009? Ruushka ma caawin karaa? Shiinaha ma ku dhiiran doonaa in uu garabistaago Iran? Mise Iran waxay samaysan doonta hubka nukliyeerka?
Halkan kago hogo warbixinta Machadka Brookings ee ku saabsan qorshaha xukun beddelka Iran: https://www.brookings.edu/…/2016/06/06_iran_strategy.pdf


COMMENTS