Culimada qaar kamida masaajida Laascaanood ayaa digniin u dirtay Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee maamulka Waqooyi Bari iyaga oo kaga digay daneysiga, laaluushka iyo caddaalad-darrada.
Culimada ayaa si adag ugu sheegay Xildhibaanada in lacagaha laaluushka ah ee la qaata xiliyada doorasha iyo xaaladaha kaleba ay yihiin xaaraan oo xitaa aanay xajka ku tagi karin inay cunaan iskaba daaye.
Ugu dambeyn culimada ayaa u sheegtay Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka waqooyi Bari in deegaanka ay u doortaan madaxweyne danta ummada ka shaqeeya oo aanay lacag wax ku dooranin.
Mohamed Koronto | Daljir Waqooyi Bari


COMMENTS