Xisbi siyaasadeedka Daljir oo ku biiray ololaha doorashada Farmaajo.

Muqdisho, Febru, 07, 2017 –  Ilo lagu kalsoonaan karo oo ka ag dhaw ololaha Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Musharax Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo inuu heshiis rasmi ah la gaaray Xisbiga Daljir. Heshiiskan oo galabta ka dhacay Hotel Jazeera ayaa lagu turxaan bixiyay qodobo dhawr ah oo ay kamid tahay in Xisbiga Daljir uu si toos ah uga qeyb qaato ololaha Musharrax Farmaajo.

Wararka waxay intaas ka darayaan in Guddoomiyaha Xisbiga Mudane Xildhibaan Xasan Macalin iyo Ku Xigeenka Aqalka Sare Mudane Abshir Bukhaari ay si rasmi ah qeyb uga noqdaan kooxda ololaha Musharax Farmaajo, caawana ay shaqo culus ka wadaan Hotel Jazeera Muqdisho.

Xisbiga Daljir ayaa maalmahan shirar isdaba jog ah la lahaa musharrixiin kala duwan oo uu kamid yahay Musharax Madaxwayne Mudane Shariif Sheekh Axmed. Balse kulankii Farmaajo ayaa noqday mid soo gunaanuday dhammaanba wadaxaajoodyadii Xisbigu la-lahaa dhinacyada kale duwan.

Dhanka kale – Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa caawa waxaa looga ololeynayaa safaaradda Imaaraatka ee Muqdisho oo si loo xoojiyo ololihiisa oo sii daciifaya, waxaana dowladda Imaaraadka ay sidoo kale ku lamaanisay Musharax Madaxwayne Mudane Axmed Maxamed Cabdi oo ah nin deggan magaalada Dubai. Ahmiyaduna waa in ay iskaashi buuxa kuwada shaqeeyaan.

Warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in ololaha Shariif Sheekh Axmed uusan caawa xowli ku socon, keddib markii qaar kamid ah xildhibaannada taageersan ay ku kala biireen ololaha musharraxiinta Cadow Cali Gees iyo Cabdulqaadir Cosoble  lacago aad u fara badan bixinaya.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xilligan hawsha ugu xooggan ku jira labada musharrax ee Xasan Sh. Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la filayo in ay helaan codadka ugu badan ee wareegga koowaad, waxaana ololahooda laga dareemayaa Hotel SYL iyo Hotel Jazeera.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com