Warbixin: Xogta Dhaawacyadii Qaraxa Bossaso (dhegayso)

Warbixin: Xogta Dhaawacyadii Qaraxa Bossaso (dhegayso)

Waraysi xogwarran oo an la yeelanay Agaasimaha Cusbitalka Daryeel ayaa sheegay in la keenay dhaawac 8 qof oo ku dhaawacmay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay kadhacay magaalada Boosaaso.

Dhanka kalena, Cusbitalka weyn ee Bandar Qaasim Boosaaso ayaa waxaa la jiifiyey ilaa 12 ruux oo qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaarey isla qaraxyadaas, sida dhaqaatiirta iyo laamaha ammaanku noo xaqiijiyeen.

Qaraxa Bossaso waxaa ku dhintay 5 ruux oo uu ku jiro askarigii qarax-wadaha joojiyey iyo 3 shacab ah iyo kii is qarxiyay.

Kooxda Daacish oo dhowaan Puntland dagaal kaga saartay degma xeebeedda Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegtay in ay ka dambaysay qaraxa Boosaaso.

Magaalada Bossaso ayaa maanta socodka iyo ganacisguba caadi ku soo laabateen, dayactirna laga fuliyey goobihii qaraxu khasaaraha u geystay.

Hoos ka dhegayso

Sawirro

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com