Xubno Ka Socda Qaramada Midoobey oo Kismaayo Kula Kulmay Madaxda Jubbaland (dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxa uu kulan la qaatay Madax ka socotay QM iyo waliba saraakiil ka socotay Ciidanka AMISOM.

Kulanka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa inta badan looga hadlayay Amniga guud ee Degmooyinka iyo Degaanada ay gacanta ku hayaan Ciidanka Maamulka Jubbaland. Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Ciidanka Maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Markii uu kulanka soo idlaaday waxaa warbaahinta la hadlay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, wuxuuna faah faahin ka bixiyay kulanka waxyaabihii looga hadlay.

DHEGAYSO

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com