Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Qarax Maanta Ka Dhacay Muqdisho.

Hay’adaha Amniga ayaa gacanta ku dhigay dadkii watay gaari ku qarxay Muqdisho maanta, iyadoo ay socoto baaris ku aadan dadkaas la qabtay.

Gaari walxa qarxa saaray ayaa hay’adaha amniga oo beryahan ku raadjoogey ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho iyagoo isu diyaarinayey inay shacabka waxyeelo u geystaan.

Hay’adaha amniga ayaa hubisey in gaariga laga shakiyey laga fogeeyo shacabka si uusan waxyeelo u geysan. Hay’adaha Miino-Baarista oo u soo socda goobta ayaa gaarigu qarxay. Mana jiro cid ay waxyeelo ka soo gaartay qaraxaas.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa yiri “Madaxda Qaranka iyo Dowladda Federaalku waxey ammaaneen doorka hay’adaha amniga ay ku badbaadiyeen shacabka Soomaaliyeed oo aan wax qasaare ah geysan. Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay dadkii watay gaarigaas oo u socday inay shacabka dhibaateeyaan. Hay’adaha amniga ayaa gaarigaas ku raadjoogey ka dib markii shacabku ay soo gudbiyeen macluumaad muhiim u ahaa hay’adaha amniga. Macluumaadkaas ay shacabka soo gudbiyeen ayaa suurtogeliyey in dadkaas la qabto, isla markaasna la bad-baadiyey shacabka Soomaaliyeed.”

Wasiir Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay shacabka inay si buuxda u taageeraan hay’adaha amniga si aan u wada sugano amniga iyo nabada aan u wada baahanahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Axmed kaabe 7 years ago

    Waan umahad celin shacabka soomaaliyeed oo ka qaybqaatay soo qabashadaa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la rabay in lagu waxyeeleeyo umada soomaaliyeed ee aan waxba galabsa waa hambalyo

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com