Yaman oo duqeyn daran ku wadda xarumihii shidaalka Sucuudiga iyo garoomada diyaaradaha

Yaman oo duqeyn daran ku wadda xarumihii shidaalka Sucuudiga iyo garoomada diyaaradaha

Dagaalyahanada Xuutiyiinta Yaman ayaa maanta duqeymo kala daran u gaystay xarumihii dhaqaalaha Sucuudiga, meelaha la duqeeyeyna waxaa kamid ah:
> Xarumaha shirkadda shidaalka ee ARAMCO Abha
> ARAMCO Jazan
> King Khalid Airbase, Khamis Mushait
> Abha International Airport
Sucuudiga iyo xulufadiisa Carabta iyo isbahaysiga cusub ee milateri ee Turkida iyo Pakistan iyo ciidamadii IS^IS ee Suuriya laga soo daabulay ayaa bilaabay duulaan abaabulan oo qorshuhu yahay in la qabto dhammaan deeganada Xuutiyiintu ka taliyaan. Qorshahaas oo ay wadajir u soo abaabuleen Sucuudiga, Turkida iyo Pakistan ayaa hadda u eg mid fashil qarka u saaran.

Daljir isha ku hay.
> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com