12 Sano waxaa Yaman ku socday dagaal uu Mareykanku abaabulay, fulinteeda ay lahaayeen Sucuudiga iyo Imaaraadka. Qorshaha dagaalka ayaa ahaa in Qasa iyo dagaalka Iran kahor la qabto Yaman si Mareykanka iyo Yhdu aysan wax dhib ah ugala kulmin Marinka Bab El-Mandeb. Qorshahaas waa fashilmay oo 12 sano kabacdi waa la loodin la’yahay Yaman, laakiin waxaa fulay qorshihii Qasa, waxaana weli socda dagaalka Iran oo asna hadda fashil qarka u saaran.
Yaman ama Ansar-Allah oo hadda xabaddu ku foorarto markii la loodin waayey Mareykanka iyo Yhdu waxay u wakiisheen Turkida iyo Pakistan. Si Muslimiintu u aaminto qorshaha cusub ee Turkigu gadaal ka hagayo waxaa Israa’iil ay duqeyn ku bilowday xeryaha ciidamada Turkiga ee Suuriya si loo gado in dagaal ka dhexeeyo Turkiga iyo Israa’iil. Laakiin waa dagaal “qowda maqashii waxna ha u qaban” ah, shidaalkii Israa’iil iyo sahaydii ciidamada Yhduna weli waxay soo maraan dekedaha Turkiga.
Saas oo ay tahay xas^uuqna weli si joogto ah uga socdo Qasa iyo Lubnaan, Turkiga, Pakistan iyo Sucuudigu waxay asaaseen isbahaysi milatari oo marna la rabo in lagu jabiyo Yaman, mar kalena la rabo in lagu illaawo Qasa iyo Lubnaan. Laakiin awoodda Ansar-Allah darteed qorshahaas asna waa mid hadda u eg in uu fashilmayo.
Xuutiyiinta ama Ansar-Allah waxaa saldhig muhiim ah u ah Dekedda Hodeidah waana marin sahay oo muhiim u ah dagaalka koonfurta dalka oo Ansar-Allah ay hadda ku rabto in ay ku qabsadaan jidka dheer ee Taiz illaa magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Mocha.
Taiz waa halbowlaha Yaman oo ciddii Taiz haysata waxay xukuntaa jidka sahayda ee u dhexeeya buuraha iyo xeebta, taas oo ka dhigaysa Mocha magaalo si buuxda ugu tiirsan Taiz. Qorshaha Ansar-Allah waa in ay Mocha iyo Taiz marka hore kala xiraan oo Mocha oo saaran Marinka Bab al‑Mandab ay gacanta ku dhigaan, Taiz ayana sahayda ka jaraan.
Haddii Taiz ay ka baxdo gacanta Sucuudiga, Sacuudiga iyo Imaaraadka waxaa qasab ku ahaan doona inay Cadan sahayda soo mariyaan, sahayduna markaas ka timaado dhanka UAE oo kaliya, ahna wadiiqo dheer oo khatar badan, oo si fudud Xuutiyiintu u beegsan karaan. Sidaas darteed, haddii Mocha la qabsado, Sacuudigu wuxuu luminayaa dekedda kaliya ee laga ilaaliyo Marinka Bab El-Mandeb, Imaaraadkuna wuxuu luminayaa marin‑badeedka dhanka Cadan; taasina waxay Cadan ka dhigi doontaa magaalo si buuxda ugu tiirsan sahayda badda oo kaliya waana khatar weyn oo xuutiyiintu si fudud u soo afjari karaan ayaga oo gantaalo iyo daroono isticmaalaya.
Isku soo duub oo istaraatiijiyada Mareykanka iyo Yhda ayaa ah in Marinka Bab El-Mandeb aan markale laga xannibin Dekedda Eilat ee Israa’iil, maraakiibta Mareykankuna ay siday rabaan u maraan marinka. Maadaama istaraatajiyaddaas ay Mareykanka, Yhda, Ingiriiska, Sucuudiga iyo Imaaraadku fulin waayeen muddo ka badan 12 sano, waxaa hadda fulinta qorshahaas lagu wareejiyey Turkiga iyo Pakistan. Istaraatiijiyadaan ayaa waxaa kale oo ay suurtagalineysaa in warbaahinta laga joojiyo xas^uuqa Qasa iyo Lubnaan ayada oo diiradda la saarayo dagaalka Yemen iyo khilaafka aan jirin ee ka dhexeeya Turkida iyo Yhda.
Haddii Turkigu hore u khayaamay Muslimiinta Suuriya ayada oo Suuriya u gacangalisay Yhda iyo aragagixisadeeda IS^IS, ma suurtagal baa in Turkidu mar kale khayaanto caalamka Islaamka si ay Bab El-Mandeb ugu gacangaliso Mareykanka iyo Israa’iil? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Maxamed Cali, Daljir Media


COMMENTS