DARDAARINKII AYATOLLAH KHAMENEI EE DHALLINTA IRAN
Dhallinta Soomaaliyeed maxay ka baran karaan Iran?
Dhallinta Soomaaliyeed ma waxaa dan u ah in ay ku deydaan dhallinta Imaaraadka, kuwa Sucuudiga iyo kuwa Kuwait, mise in ay ku daydaan dhallinta Iran oo 40 sano ka badan oo cadow meel kasta isaga hareereeyey awood u yeeshay in ay iska caabiyaan?
Waa kan dardaarinkii Khamenei:
“Haddii aad ku dhiirataan in aad cadowga iska caabisaan waxaad awood u yeelanaysaa in aad dusha sare soo taabataan si aan innaba hore loo soo taaban illaa iyo waayihii Rasuulkeena Nabi Maxamed. Ogaada heerka ugu sarreeya ee madaxbanaanida diinta Alleheena Suuban waa runta oo la adkeeyo, caddaaladda oo la adkeeyo, heerka ugu sarreeya ee yoolku illaa iyo abuurkii Aadanaha iyo waayihii uu soo marayba waa in aadanuhu yool ka dhigto suu u noqon lahaa abuur wanaagsan. Dusha sare waad gaari doontaan oo waad soo taaban doontaan, waana hawsha maanta idiin taal. Dhallinyarada maanta waa in ay noqdaan ilayskii rajada. Waxaad tihiin ilayskii rajada. Innaba shaki iigama jiro in aad tihiin rajadii aan maanta wada sugayanay. Mid kasta oo idin kamid ah waxaad tihiin faynuus noo ifaysa.”
Dhallinta Soomaaliyeed ee bilaa hoggaanka ah sidee u noqon karaan faynuus Soomaali oo dhan u ifaysa, oo rajo galisa, oo ay berri Soomaali oo dhan ku soo hoydaan?
Cadowga ugu horreeya ee dhallinta Soomaaliyeed iska caabinta maanta uga baahan waa jahliga.
Cadowga labaad waa daroogada (jaadka) oo ah mid dawladaha dariska ahi ay kula dagaalamaan rajada dhallinta, daroogadaas dadka ka ganacsadaana waa hoggaankii ummadda.
Cadowga saddexaad waa qabiilka oo isla dawladaha dariska iyo dhammaan cadowga Soomaaliyeed kula dagaalamaan midnimada Soomaaliyeed. Maanta oo cadowgii Soomaaliyeed uu marayo markii uu ugu daciifsanaa, dhallinta Soomaaliyeed ma noqon karaan ilays u soo iftiimaya Soomaali oo dhan?
Maanta Soomaali hoggaan uma noqon karo siyaasiga aan kala garin karin cadowga iyo saaxiibka ummadda Soomaaliyeed, maalin kastana cadowga ugu yeera “Walaaleheen.” Hoggaanka maanta Soomaali u qalmaa waa kan garta oo og oo Soomaalida walaaleeya, ayagana ugu yeera “Walaaleheen.”
> Daljir Media


COMMENTS