TRUMP OO KU ADKAYSANAYA IN NATO DAGAALKA KU SOO BIIRTO & NATO OO DIIDAY
Kaddib fashilkii Trump ee duullaanka Iran oo ay ugu sii darsantay xiritaanka Marinka Hormuus, Trump ayaa degdeg ugu yeeray Xoghayaha NATO Mark Rutte. Sida aan ka soo xiganay wargeysyada Jarmalka ee Der Spiegel, Trump wuxuu NATO iyo xulufadiisa Yurub u sheegay in ay dagaalka ku soo biiraan oo ay maalmo kooban gudahood ay maraakiibtooda dagaalku ka hawlgaliyaan Marinka Hormuus.
Mareykanka oo ah kan ciidamada baddiisu adduunka ugu tira badanyihiin uguna xoog badanyihiin waa ay ku dhici waayeen in ay kun KM u soo jirsadaan Gacanka Persia, laakiin maanta Trump waxa uu Yurub oo aan tabar badeed lahayn ugu hanjabayaa in ay iyagu xalliyaan dhibkii uu asagu shalay abuuray. Xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte, oo hadda ku sugan Washington DC weli jawaab cad ma uu bixin, laakiin waxa uu hore u sheegay in NATO aysan ka qaybgali doonin dagaalka Iran.
In kasta oo hadda ay Iran iyo Mareykanku wada gaareen heshiis xabbad-joojin oo aan cago badan ku taagneyn, Israalna ay diiday xabbad-joojinta, waxaa muuqata sansaan uu Mareykanku u diyaargaroobayo dagaal rogaal-celis ah, laakiin lama hubo in dhaqaalaha Mareykanka iyo kan Yurub iyo waliba adduunka oo dhan uu xammali karo Marinka Hormuus oo sii xirnaado. Dhaqaalaha Mareykanka oo hore qar uga laalaaday hadda wuu ka sii darayaa, waxaana sii kordhaya diidmada adduunka ee qorshaha gurracan ee Mareykanka oo loo wado arko mid loogu adeegayo danaha Israal, laakiin khatar ku ah adduunka oo dhan.
> Daljir Media


COMMENTS