WADAHADAL TOOS AH AMA MID DADBAN OO LALA YEESHAY MARAYKANKA

WADAHADAL TOOS AH AMA MID DADBAN OO LALA YEESHAY MARAYKANKA

IRAN OO BEENISAY INUU JIRO WAX WADAHADAL TOOS AH AMA MID DADBAN OO LALA YEESHAY MARAYKANKA

Trump oo mar kale been sheegay si uu u dejiyo suuqyada dhaqaalaha Mareykanka oo aad u kala daadanaya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran ayaa beenisay in wax wadahadal ah uu dhexmaray Iran iyo madaxweynaha Maraykanka. Iran ayaa sheegtay, “Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran waxay ku adkaysanaysaa mowqifkeeda ah in uusan jiri doonin wax wadahadal ah illaa laga gaarayo yoolalka Iran ee dagaalka.” Iran ayaa sheegtay in yoolkeedu yahay Mareykanka oo laga saaro Bariga Dhexe iyo magdhow wixii khasaare la gaarsiiyey.

Iran ayaa bayaanka ku soo gabagabaysay, “Mowqifka Iran ee ku saabsan Marinka Hormuus isma badelin, marinkuna wuu ka xirnaan doonaa kuwa gardarada ku haya Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo shacabka Iran.”

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com