JABKA TRUMP OO DUSHA LAGA SAARAY GOLE WADA ‘YES SIR’ AH
Madaxda maamulada Soomaalidu maxay ka baran karaan siyaasadda Trump & Gole Xukuumad oo wada ‘Yes Sir’ ah?
Wargayska Mareykanka ee Bloomberg oo qormo kooban ka qoray duullaanka aan laga fiirsan, lagana doodin ee lagu qaaday Iran ayaa ku macneeyey in ay sal u tahay liidnimada golaha xukuumadda Trump. Golaha ayuu wargeysku ku sheegay kuwo aan hadal ku celin karin Trump oo xataa aan kala doodi karin waxa saaxiibadi u sheegaan, sax iyo qalad.
Wargeyska ayaa sheegay in Trump uu qaatay talada rag [Yhd] ah oo ay saaxiibo yihiin, golihii xukuumadiisana laga waayey hal nin oo maya yiraahda, ama talo ku celiya Trump. Golaha xukuumadda Trump ayuu wargeysku ku sheegay ummad wada ‘Yes Sir’ ah oo ka baqaya in ay hadal ku celiyaan Trump.
Madaxda Soomaalida dhammaantood oo looga bartay in ay yihiin madax-ka-nool aan talo galin, talana qaadan oo ay ku hareeraysanyihiin carruurtooda iyo dhowr kale oo wada ‘Yes Sir’ ah ma ku baraarugi karaan meesha maanta xaal adduun marayo? Ma ku baraarugi doonaan in maalkii ay dadkooda ka dheceen ee dhigteen bangiyada Imaaraadka, Qadar iyo Turkiga aan maanta lala bixin karin? Ma ku baraarugi karaan in haddii Soomaali ay mar talo u baahneyd maantay baahida ugu weyn u qabaan?
Tolow ma ku baraarugi doonaan in dad iyo dal dhan ay hoggaankooda hayaan oo indhaha lagu wada hayo?
Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.
> Daljir Media


COMMENTS