HUFFINGTON POST: “Askarta Mareykanka oo diiday in ay Israal u dhintaan”
Waxaa walaac, welwel iyo walbahaar daran soo foodsaaray askarta Mareykanka ee laga yaabo in loo diro Bariga Dhexe si ay uga qaybqaataan duullaanka Iran. Joornaalka Huffington Post ee ka soo baxa Mareykanka oo u kuurgalay walaaca askarta ayaa sheegay in askartu u sheegeen in aysan rabin “in ay u dhintaan Israal.”
Askarta ayaa la mowqif noqday dadka Mareykanka oo badidoodu aad uga soo horjeedaan duullaanka Mareykanka, ayaga oo u arka in uu yahay mid loogu daneynayo dal shisheeye oo haba yaraatee aan wax dan ah ka lahayn dadka iyo dalka Mareykanka. Waa markii ugu horraysay taariikhda Mareykanka oo badi shacabku ay ka horyimaadaan taageerada Israal iyo siyaasadda Sahnuuniga ku salaysan ee Mareykanka.
> Daljir Media


COMMENTS