MA OGTAHAY IN TRUMP UU SHEEGAY IN UU CAAWA IRAN KU GARAACAYO NU^KLIYEER DUNIDANA KA TIRTIRI DOONO?
Haddii taasi dhacdo ma ogtahay in ay saameyn daran ku yeelan karto Soomaaliya? Haddaba maxaa kuu talo ah ama kuu diyaarsan haddii taasi dhacdo?
Adduunku wuxuu galay marxalad cusub oo hadda dunida lagu macneeyey in ay tahay bilowgii dagaal diimeed. Ma aha dagaal ka dhexeeya Islaamka iyo Kirishaanka. Waa dagaal ay ku baaqeen wadaadada khaaska ah ee Trump, diintooduna tahay diinta loo yaqaan ‘evangelical protestants’ ahna diin la jaal ah ama u adeegta diinta Yhda iyo siyaasiyiintooda.
Axaddii hadda la soo dhaafay Trump waxay u sheegeen in ilaahoodu u doortay in uu Trump difaaco Yhda, dunidana ka tirtiro dadka reer !ran. Arrinkaan wuxuu Mareykanka ka dhaliyey khilaaf xooggan oo badi Kirishaanka Mareykanku ku sheegeen wadaadada Trump ‘kuwo aan diin haysan oo kaliya u adeega danaha Yhda.’
Maanta Trump wuxuu sheegay in “caawa la waayi doono xaddaarad weyn oo dunida dib-danbana aan loo heli doonin.” Hadalkaas akhri mar kale. Mareykanka waa looga adkaaday duullaankiisii Iran, hubka kaliya oo u haray oo uu Iran kula dagaalami karaa waa Nukliyeer. Trump wuxuu ku hanjabay in uu caawa Iran dunida ka tirtiri doono. Markale akhri sadarka kore.
Waa wada ognahay Soomaali cidina uma maqna, madaxda u talisaana warba uma hayaan meel xaalka dunidu marayo oo mid walbaa wuxuu u dagaalamayaa kursi iyo maal. Haddaba adiga iyo ehelkaaga maxaa idiin diyaar ah? Haddii shidaal la waayo maxaa idiin diyaar ah? Haddii daawo la waayo maxaa idiin talo ah? Haddii diyaarad la waayo maxaa talo ah? Haddii bariis iyo baasto la waayo ayana? Haddii bur la waayo maxaa meel kuu yaal? Haddii koronto la waayo solar diyaar ma kuu yahay? Haddii ammaanku xumaado xaafaddaadu ma shirtay sidii ammaanka laga yeeli lahaa?
Waa su’aalo kooban, laakiin haddii adduunku ku sii socda sida uu maanta yahay ogow waa bilowgii gaajo iyo ammaan-darro. Diyaarso wax walba oo aad diyaarsan karto, Eebana talo saaro.
> Maxamed Cali, Daljir Media
MAQAAL HORE


COMMENTS
ldt86s