Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac): Musharax kursiga boobay oo loo boobi rabo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Warbixin)

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac): Musharax kursiga boobay oo loo boobi rabo Guddoomiyaha Baarlamaanka (Warbixin)

Kadib markii uu xilka guddoomiyaha Baarlamaanka baneeyey Sh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo noqday hogaamiyaha Villa Soomaaliya u xulatay Koonfur galbeed kadib afgembigii Laftagareen, waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday hardanka loogu jiro jagada uu baneeyey Sh Aadan Madoobe.

Inkastoo muran ka taagan yahay sharciyada baarlamaanka oo wakhtigii loo dhaariyey xilka uu ku ekaa bishii April ee sanadkan, hase ahaatee jagada shir guddoonka baarlamaanku waxay muhiim u tahay maaraynta marxalada kala guurka ee dalka.

Villa Soomaaliya ayaa riixaysa inuu jagada banaan qabto Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah xiligan wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda kaasoo dhowaan si boob ah loogu dhiibey kursiga HOP#204, iyadoo uusan sifo sharci ah ku banayn xildhibaankii loo doortay 2022 ee Isaaq Cali Subag oo ahaa Wasiir katirsanaa maamulkii Laftagareen ee awooda ciidan looga saaray magaalada Baydhab. kaasoo warbaahinta ka sheegay in kursigiisa ay ka dhaceen Villa Soomaaliya iyo Jaamac oo wasiir ah.

Waa kuma Musharax Jaamac?

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) waa siyaasi ka dhashay baaxa dega siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaa la sheegaa inuu ahaa Al-shabaab hore oo lasoo shaqeeyey kooxihii Maxaakiimta Islaamka kadibna u diga rogtey garabka Xagjirka ah ee Al-shabaab, ilo xog ogaal ah ayaa ku eedeeya inuu qayb weyn ka qaatay beegsiga haldoor Soomaaliyeed oo ku maqan gacanta Al-shabaab iyo mashruucii qabuuro faagista ee Al-shabaab Muqdisho ka sameeyeen 2009, markii ugu horeysey ayuu kasoo muuqda  saaxada siyaasada 2018 oo loo magacaabay lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka, halkaas oo uu ka qayb qaatay arrimaha siyaasadda.

Wixii xiligaa ka danbeeyey wuxuu kamid noqday xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray isagoo aan marna ka bixin golaha wasiirada tan iyo 2020, falanqeeyayaasha siyaasada ayaa ku tilmaamay Jirjiroole Siyaasadeed oo midabo badan taasoo lagu micneeyey inuu yahay nin wax walba ka suurtagal yihiin  cid walbana la shaqaysan kara oo aan lahayn mab’da siyaasadeed, taasoo la micno ah inuu daqiiqad kasta khiyaami karo Xasan Sh Maxamuud iyo kooxaha la xulufada ah ee hadda dhisaya.

Tusaalayaasha ay soo qaateen waxaa kamid ah inuu kamid ahaa ragii ugu cadcadaa Xukunkii Farmaajo oo siweyn u difaaci jirey Dawladii Nabad iyo Nolol, isagoo markii ay xilka banaysay Dawladiisu kamid noqday Xukunka Xasan Sh Maxamuud oo siweyn uu hadda uga difaaco baraha bulshada iyo meel kasta oo uu tago. Islamarkaana eedo culculus iyo afgalaado hawada u mariyo xukunkii Farmaajo ee uu lasoo shaqaystay mudo ka badan 5 sanadood.

Wakiilnimo dano shisheeye

Siyaasi Jaamac oo si lama filaan ah uga mid noqday Arday Soomaaliyeed oo deeq waxbarasho ka helay dalka Turkiga sanadkii 2011 wuxuu kamid ahaa Arday si weyn u bartay luuqada Turkish ka taasoo sababtay inuu xiriir qoto dheer la yeesho hay’adaha kala duwan ee Turkiga.

Dawlada Turkiga ayaa ku qanacday inuu noqdo Wakiilkooda hooose (Agent) ee Arimaha Soomaaliya oo ku dhexjira Hay’adaha Dawlada, waxaana la sheegaa in Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya uu ku qanciyey Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud inuu kusoo daro golaha wasiirada isagoo kamid ahaa ragii ugu cadcadaa Xukunkii Farmaajo.

Intii uu joogey Wasaarada gaashaan dhiga waxaa la sheegaa inay Meesha ka baxday wada shaqayntii Millenary ee Soomaaliya la lahayd Dawladaha Yurubta Midowdey, Maraykanka iyo Ingiriiska oo Wasiir Jaamac u arkay Jaajuus u adeega danaha Turkiga islamarkaana aan lagu aamini Karin la macaamilka danaha Soomaaliya ee dalalka reer Galbeedka.

Markii laga wareejiyey Wasaarada Difaaca Soomaaliya oo xilkaas uu la wareegey Wasiir Fiqi  dalalka reer Galbeedka waxay soo celiyeen xiriirkii wada shaqayneed ee ay la lahaayeen military ga Soomaaliya iyo taakulayntii difaaca ee Soomaaliya.

Damaca Jaamac ee cusub

Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ay riixayso Villa Soomaaliya islamarkaana taageero ka helaya Dawlada uu wakiilka uga yahay arimaha gudaha Soomaaliya ee Turkiga, ayaa shaaciyey inuu u sharaxan yahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Villa Soomaaliya iyo xulufadeeda ayaa u arka inuu muhiim u yahay qabashadiisa jagadan maadaama booskan oo ah kan labaad ee dalka uu muhiimad gaar ah leeyahay xiligan lagu jiro maaraynta marxalada kala guurka.

Haddii uu ku guulaysto waxay ka dhigan tahay in Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud si fudud ugu dhacayo dabin siyaasadeed oo ay adag tahay inuu ka baxo, falanqeeyayaasha ayaa ku micneeyey in Xasan Sh Maxamuud jeebabka ku ridanayo abeeso sumaysan oo saacad walba qaniini karta.

Sumcad dil baarlamaan

Cabdulqaadir oo aan weligii noqon xubin baarlamaan, islamarkaana xaadirin fadhi baarlamaan, haddii loo doorto Guddoomiye baarlamaan waxay ka dhigan tahay inay lunto sumcad kasta oo uu lahaa baarlamaanka oo markii horaba eedo tiro beel ah dul hoganayeen.

 

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com