PSA Somalia waxay si rasmi ah u shaacinaysaa Baaqa Soo-gudbinta Hal-abuurka ee Tartanka Nabadda Puntland ee Warbaahinta iyo Suugaanta. Tartankan waxaa lagu aqoonsanayaa laguna maamuusayaa doorka hal-abuurku ku leeyahay horumarinta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo isku-duubnida bulshada Puntland. PSA waxay ku martiqaadaysaa abwaannada, hal-abuurayaasha, filim-sameeyayaasha, suxufiyiinta iyo soo-saarayaasha nuxurka warbaahinta inay soo gudbiyaan hal-abuurro asal ah oo diiradda saaraya nabad-dhisidda.
: Filim gaaban, dokumentari ama muuqaal hal-abuur leh oo gudbinaya farriimo ku saabsan nabadda, xalinta khilaafaadka, wadajirka bulshada ama adkaysiga bulshooyinka.
: Suugaan asal ah oo af-Soomaali ku baxaysa, sida gabay, buraanbur ama geeraar, kana tarjumaysa midnimo, is-cafis iyo rajo. Suugaanta waxaa lagu soo gudbinayaa muuqaal.
–
: Tartanku wuxuu u furan yahay dadka ku nool gobolka Mudug iyo deegaanka Sheerbi. Waxaa si gaar ah loogu dhiirrigelinayaa dhallinyarada, haweenka iyo bulshooyinka fursadaha yar haysta inay ka qayb galaan.
: Dhammaan hal-abuurka la soo gudbinayo waa inuu diiradda saaraa nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta bulshada, rabshad-la’aanta ama midnimada dhaqanka.
– :
a. Magaca oo buuxa ee hal-abuuraha
b. Da’da iyo degmada uu ka soo jeedo
c. Xogta xiriirka, sida lambarka taleefanka iyo iimaylka
d. Cinwaanka hal-abuurka iyo sharraxaad kooban oo aan ka badnayn 200 oo eray
Kaalinta Koowaad: $500
Kaalinta Labaad: $400
Kaalinta Saddexaad: $300
Fiiro Gaar ah: Suugaanta iyo Media-ha tartamadoodu waa kala madax banaanyihiin, oo midkasta gaar baa loo qiimaynayaa loona abaalmarinaya.
Iimayl: [email protected]
Gacan-ku-gudbin: Xafiiska PSA, Villa Beyra, Gaalkacyo
Xilliga kama dambaysta ah: 28ka/8/2026
Wixii faahfaahin dheeraad ah fadlan wac: 0905667201


COMMENTS