Madaxweynaha Puntland Sicid Cabdillaahi Deni, ayaa maanta marti-qaad qado oo ballaaran u sameeyo wax-ku-oolka bulsho ee magaalada Galkacyo, siiba kuwa Puntland, taasoo ay ka qaybgaleen saraakiil sarsare, aqoonyahanno, nabaddoonnno, cuqaal dhaqan, siyaasiyiin, ganacsato, haween iyo dhallinyaro.
Marti-qaadkaan qado ayaa daarranaa, mudnaantiisuna ay ahayd mahadcelin la xiriirta bulshada Galkacyo ee Puntland, siiba doorkii iyo kaalimihii ay ku lahaayeen dadaalladii dawladdu ay ka wadday gobolka Mudug dhawrkii asbuuc ee ugu dambeeyey, kuwaasoo xoogga lagu saarayey amniga, midaynta ciidamada iyo xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee dawladda iyo dadweynaha.
Madaxweyne Deni, ayaa sheegay xukuumaddiisa in ay ka go’an tahay qaadista tallaabooyin lixaadleh oo ku aaddan hormarinta gobolka siiba magaalada Galkacyo, ayna doonayaan taabbo-gelinta wax-qabad muuqda oo mira-dhal ah.
Inkastoo marti-qaadka qado ee Siciid Deni uu ku koobnaa bulshada Galkacyo ee Puntland, haddana wuxuu si weyn ugu mahadceliyey maamulka iyo bulshada Galkacyo ee Galmudug, gaar ahaan marka ay joogto amniga iyo wada shaqaynta.
Waa munaasabaddii isku imaatin ee ugu ballaarnayd oo lagu qabto Galkacyo, tan iyo intii ay yimaadeen madaxweynaha iyo waftigiisu, taasoo mahadcelin iyo is bogaadin ka sokow huwan, kala xog-qaadasho iyo is wareysi heer bulsho iyo dawladeed ah.
Diiwaanka Daljir Media.


COMMENTS