Garoowe: 19 August 2026: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Bini’aadantinimada, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Dowladda Puntland.
Munaasabadda xuska ayaa waxaa kasoo qayb galay wakiillo ka socday qaar ka mid ah Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah, mas’uuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Xuskan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wadajirka, iskaashiga iyo awood-siinta bulshada deegaanka, gaar ahaan sidii loo horumarin lahaa doorka bulshada ee ka qayb-qaadashada dadaallada bani’aadantinimo iyo gurmadka xaaladaha degdegga ah.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada shaqaynta Dowladda iyo hay’adaha bani’aadantinimo, iyadoo mudnaanta la siinayo baahiyaha bulshada iyo sidii loo heli lahaa xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha.





COMMENTS